Advertisements
Advertisements

Akhriso: Wasiirka Boostada & isgaarsiinta oo shaqo joojin ku sameyay Agaasimihii Wasaarada

Baladweyne (HNN)  Eng Cabdi Canshuur Xassan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shaqo ka joojin ku sameyay Agaasiimihii guud ee Wasaarada Axmed Xaaji Cabdi,

Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknooliyada ayaa waxaa loo magacaabay C/raxmaan Macalin Caddow, inta laga soo magacaabayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka  Boostada iyo isgaarsiinta Xukumadda Soomaliya ayaa wareegtadan shaqada looga joojiyay Axmed Xaaji Cabdi   ayaa lagu sheegay in gaasimaha uu fulin waayay, talooyin badan oo ku saabsan, toosin mas’uuliyadeed oo kusimaha agaasimaha ay la wadaageen mas’uuliyiinta wasaaradda, isla markaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka howlaha wasaaradda oo ay ugu horeyso diyaarinta sharciga isgaarsiinta qaranka oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Warqadan shaqada looga joojiyay Agaasiimihii guud ee Wasaarada ayaa loo gudbiyay Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ee qaranka.

ugu dambeyntii Maalintii shalay ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ariimaha gudaha cabdi Farax Juxa ayaa shaqad looga joojiyay Xoghayihii joogtada ee Wasaarada  Yaxye Cali Ibraahim taaso jahawareer ka dhax abuurtay Masuuliyinta Wasaarada inkasto markii dambe xal laga gaaray.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com