Advertisements
Advertisements

Alexis Sanchez Oo Heshiis Afar Sano Ah U Saxiixay PSG, Mushaarka Uu Qaadan Doono & Arsenal Oo Hor Istaagi Karta

Warbixino ka imaanaya dalka faransiiska ayaa sheegaya in weeraryahanka reer Arsenal & xulka qaranka Chile Alexis Sanchez uu heshiis afar sano ah u saxiixay Paris Saint Germain xilli shalayto lagu soo waramay in wakiilada xidigaan iyo Antero Henrique oo ah agaasimaha kooxdaan ay ku kulmeen magaalada Paris isbuucaan.

Wargeyska Le Parisien  ayaa ku warantay in kulankii ka qabsoomay caasimadda labada dhinac ay ku heshiiyeen heshiis afar sanadood ah oo dhamaanaya 2021, waxaana la aaminsan yahay inuu todobaadkii ku qaadan karo 275,000 kun oo Pound.

Sidoo kale warbixinta waxey sheegeysaa in Paris Saint Germain ay kalsooni weyn ku qabto iney Arsenal kala heshiin karto lacagaha xidigaan oo ay kusii qiyaaseyso aduun dhan 40 Malyan oo Euro oo u dhiganta 36 Malyan oo Pound.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka xidiga reer Chile kadib kulankii ay kooxdiisa qasaaraha kala kulantay Blues kulan sabtidii ka dhacay Beijing wuxuuna ku jawaabay: “Kaliya saxaafadda ayaa abuurtay”

Sidoo kale waxaa la weydiiyay macalinka reer France hadii ay u ogolaan karaan kooxo ka baxsan Premier League – wuxuuna ku jawaabay: “Maya wax macno ah masameyneyso”

Alxeis Sanchez wuu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa, walow Arsenal ay qabto cabsi ah iney 12-bilood kadib si bilaash ah ku lumiso.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com