});

Hal ruux oo ku dhintay Kunteenar ku soo dhacay Dekedda Berbera

Berbera(HNN) Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada Berbera uu soo go’ay.

Sidoo kale waxaa jira Shaqaale oo dhaawac uu soo gaaray.

Shaqaalaha Muruqmaalka ah ayaa la sheegay in ay ku howlanaayay Xilliga uu Konteernarko soo go’aayay dejintaasi, waxaana ninka dhintay lagu magacaabi jiray Daa’uud.

Dekedda Magaalada Berbera ayaa waxaa ka shaqeysta Muruqmaal aad u badan ,kuwaa soo marar qaarkood kala kulma dhibaatooyin xooggan.

Gudoomiyaha Magaalada Berbera ayaa Warbaahinta u sheegay in dhacdadaasi ay dhacday xalay saqdii dhexe.

Maraakiibta taagan Dekedda Magaaladda Berbera ayaa inta badan waxaa la dejiyaa Habeenkii.

Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan Baaritaano ku aadan Geerida Marxuum Daauud.

Dekedda Magaalada Berbera ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa Xiisad u dhaxeysay Ganacsatada iyo maamulka Dekedda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)