Advertisements
Advertisements

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Wararka Kooxdiisa la Xiriirinaya Bale & CR7.

Tababaraha Manchester United ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis waqti isaga lumin doonista Gareth Bale madama uu aaminsan yahay inuusan aheyn arrin suuragali kara.

Xidigaan reer Wales ayaa si ba’an loola xiriirinayay inuu ka tagayo Real Madrid, waxaana lagu soo waramayay in Man United ay soo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay.

Sidoo kale Bale saaxiibkiisa Los Blancos Ronaldo ayaa isna lagu soo waramayay inuu ka fakarayo ka tagista Santiago, balse Mourinho oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka dhawaajiyay isbuucii hore in soo iibsashada kabtanka Portugal ay tahay wax aan suuragal aheyn sidoo kale.

Saxaafadda ayaa weysiisay macalinkii hore Chelsea hadii kiiska Gareth Bale uu la mid yahay midka CR7 wuxuuna ku jawaabay: “Haa, waa isku mid”

“Waad la xiriiri kartaa, waxaad leedahay dareen, waadna fahmi kartaa waxyaabaha. waxey ila tahay iney iska cadahay in Bale uu jecel yahay Madrid, jecel yahay inuu tartamo sidoo kalana jecel yahay xaaladda uu ku sugan yahay” ayuu yiri sidoo kale Jose.

“Wuxuu ku sugan yahay koox xaaladeeda waqtigaan ay aad u fiican tahay. waligey ma dareemin inaan u baahanahay isaga inuu ka tago sidaas darteed waa maxay sababta aan tamarteyda iyo waqtigeyga isaga luminayo?”

Ugu dambeyntii hadalka Jose Mourinho ayaa kusoo aaday xilli Gareth Bale uu ciyaari karo kulanka ay caawa labada kooxood isaga hor imaan doonaan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com