Advertisements
Advertisements

Keydka Dahabiga – Qiimaha Ay Real Madrid Ku Heshay Iibka Xidigaha Kursiga Keydka Oo La Ogaaday.

Real Madrid waxey ku fakartay iney balaariso qorshaha ay kooxda ku keeneyso da’yarta xirfadda leh tiiyoo ay jirto iney ciyaartoydeeda kursiga keydka iibkoosa ka heshay lacag ka badan 110 Malyan oo Euro.

Tababare Zidane ayaa kooxdiisii ciyaartay final-kii Champions League ee dhacay bartamahii sanadkaan ka saaray James Rodriguez iyo Lucas Vazquez iyadoo amarkaas uu culeys ba’an oo qoto dheer dusha ka saaray xidigahaas.

Macalinka reer France ayaa iska iibiyay Alvaro Morata iyo Danilo oo uu ka iibiyay kooxaha Premier League-ga ka ciyaara ee Man City & Chelsea, sidoo kalana wuxuu James Rodriguez u ogolaaday inuu kooxda isaga tago.

Mustaqbalka Morata wuxuu saldhigtay galbeedka London markii labada kooxood ay ku heshiiyeen iibkiisa inkastoo aan loo ogolaan inuu u dhaqaaqo Man United xilli lasoo wariyay inuu heshiiska shaqsiga ah u saxiixay.

Si kastaba Real Madrid waxey bangigeeda ku shubatay 80 Malyan oo Euro sida lagu qoray Marca, waxeyna kooxda siineysaa faa’iido ka badan 50 Malyan oo Euro madama ay 30 Malyan oo Euro dib ugu soo ceshatay markii uu laba sanadood kusoo qaatay Juventus.

Dhanka kale Danilo oo keydka ugu jiray dani Carvajal ayaa isna ku biiray Citizens, inkastoo aysan waxba ka faa’iidin hadana lacagahii ay Porto kaga soo qaateen ayey ku heleen madam  30 Malyan oo Euro lagu iibsaday.

Intaas waxaa sii dheer in James Rodriguez heshiiskiisa ay faa’iido ku qabaan hadii xidigaan uu ku najaxo Allianz Arena – labada sano ee amaahda ah waxey heli doonaan 10 Malyan oo Euro, halka Bayern ay ku qasban tahay iney bixiso 50 Malyan oo Euro hadiiba ay si joogto ah u iibsaneyso.

Ugu dambeyntiina Real Madrid waxey 10 Malyan oo Euro ku iibisay Mariano Diaz oo si rasmi ah goor hore ugu biiray Lyon.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com