Advertisements
Advertisements

Saddex ka mid ah Ciidanka koonfur Galbeed oo lagu dilay Weerar miino

Baydhabo(HNN) Saddex askari oo ka tirsan ciidamada  Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyooday qarax Miino oo lagu aasay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Askarta geeriyootay ayaa waxa ay saarnaayeen gaari kadibna waxa uu ku istaagay gaarigaasi qarax miino oo halkaasi Shabaab ay ku aaseen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Askartaas geeriyootay, waxayna sheegeen ciidanka qaraxa ay u dhigeen in ay u scodeen xerada ciidamada Daynuunay ee Gobolka Baay.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com