Advertisements
Advertisements

SAWIRO: Saxiixa Cusub Ee Chelsea Alvaro Morata Oo Markii Ugu Horeysay Tababar La Sameeyay Xidigaha Blues

lvaro Morata ayaa markii ugu horeysay tababar la sameeyay saaxiibadiisa cusub tan iyo markii uu 65 Malyan oo Pound uga soo wareegay Real Madrid.

Morata ayaa noqday ciyaariyahanka ugu qaalisan xidigaha u dhashay Spain madama uu 80 Malyan oo Euro ku yimid garoonka Stamford Bridge, sidaas darteed safar sadex maalmood qaatay kadib wuxuu la kulmay saaxiibadiisa cusub.

Shalayto ayey jamaahiirta Chelsea ee Singapore aad usoo dhaweeyeen markii uu gaaray halkaas sidoo kalana waxaa u suuragashay inuu TV-ga hotel-ka la geeyay ka daawado kooxdiisa oo si xun u xasuuqeysa Arsenal.

Si kastaba Alvaro wuxuu isku diyaarinayaa inuu ka qeyb qaato kulanka ay kooxdiisa talaadada la ciyaari doonto Bayern Munich, sidoo kalana sabtida waxey wajahi doonaan Inter Milan.

Pedro Rodriguez ayaa loo diray England kadib markii laga soo saaray isbitaalkii uu xalay ku hoyday madama uu miir-daboolmay kulankii Arsenal qeybtii hore.

Si kastaba Alvaro Morata wuxuu u diyaarsan yahay haatan inuu markii ugu horeysay maaliyadda Blues xirto si uu waayahiisa kooxdaan u iftiimiyo.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)