Advertisements
Advertisements

Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid Vs Man United- Ayay Mourinho Iyo Zidane Kulankan Ku Soo Bilaabeen?

Kooxaha Real Madrid iyo Machester United ayaa iskaga hor imanaya mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan ee xagaagan ka dhacaya USA kuwaas oo ka tirsan koobka saaxiibtinimo ee ICC Cupka. Jose Mourinho ayaa ka hor imanaya kooxdiisii hore ee Los Blancos oo uu Zidane hogaaminayo wuxuuna kulankani hordhac u yahay kulanka finalka UEFA Super Cupka ee August 8 kooxahan ku dhex mari doona dalka Macedonia.

Waa kulan saaxiibtinimo laakiin marka ay Real Madrid iyo Manchester United garoonka soo wada galaan ma noqon doono kulan saaxiibtinimo wuxuuna yeelan doona dareen iyo xamaasad la mid ah kulan tartan ah. Zinedine Zidane ayaa kulankan ku soo shirtagay shax adag inkasta oo uu wali ka maqan yahay Cristiano Ronaldo.

Waxaa Madrid goolka ugu soo bilawday Keylor Navas waxaana afarta difaaca ah ka ciyaari doona Dani Cavajal, Raphael Varane, Nacho iyo Marcelo waxaana khadka dhexe ku wada jira Toni Kroos, Luka Modric iyo Isco waxaana weerarka hogaaminaya Karim Benzema oo caawin ka heli doona Lucas Vazguez iyo Gareth bale.

Jose Mourinho ayaa isna goolkiisa ku soo bilaabay Sergio Romero waxaana difaaca ku soo wada bilawday  Fosu-Mensah, Bailly, Jones iyo  Darmian. Mourinho ayaan kulankan shaxdiisa ku soo bilaabin Romelu Lukaku iyo David De Gea midkoodna waxaana fursad la siiyay  Pereira oo Carrick iyo Fellaini kula soo bilawday halka Lingard iyo Martaial ay safka hore kala ciyaari doonaan Rashford.

SHAXDA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

RAL MADRID: Keylor Navas; Dani Carvajal, Raphael Varane, Nacho, Marcelo; Toni Kroos, Luca Modric; Gareth Bale, Isco, Lucas Vazquez; Karim Benzema.

MAN UNITED: Romero; Fosu-Mensah, Bailly, Jones, Darmian; Carrick, Fellaini; Pereira, Lingard, Martial; Rashford

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com