});

Tababare Jurgen Klopp Oo Kala Cadeeyay Halka Ay Mohamed Salah Iyo Sadio Mane Kooxdiisa Uga Kala Ciyaari Doonaan.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa faah faahin ka bixiyay halka uu ka kala ciyaarsiin doono Mohamed Salah iyo Sadio Mane. Mohamed Salah ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda AS Roma kadib markii ay Reds lacagtii ugu qaalisayd ka soo bixisay laakiin xidiga ree Masar ayaa qayb ka soo noqday doorashooyin badan oo uu Anfield ku haysto Klopp.

Marka laga yimaado Mohamed Salah iyo Sadio Mane wuxuuna Jurgen Klopp kooxdiisa ku haystaa Roberto Firmino, Daniel Sturridge, Philippe Coutinho, Adam Lallana iyo waliba Divock Origi kuwaas oo dhamaantood kooxdiisa uga soo ciyaaray weerarka ama caawiyaasha weerarka, laakiin waxaa Klopp wax laga waydiiyay haddii imaatinka Mohamed Salah uu badali doono booskii garabka midig ee uu Sadio Mane ka soo ciyaarayay.

Klopp ayaa qirtay in kulamo gaar ah ay suurtogal tahay in Mohamed Salah uu garabka weerarka midig ka ciyaaro oo uu Sadio Mane badalo balse waxa uu sheegay in sidii caadiga ahayd uu Sadio Mane ka ciyaari doono garabka weerarka ee midig balse Mohamed Salah uu ka ciyaari doono booska caawiyaha weerarka ee No.10 isla markaana uu awood u leeyahy in uu No.9 weerarka dhexe ka ciyaari karo.

Jurgen Klopp oo ka jawaabaya in Mohamed Salah uu garabka midig ka ciyaari doono ayaa yidhi: “Kulamo khaas ah ,haa waa suurtogal, laakiin Sadio waxa uu ka ciyaari karaa garabka midig isla markaana Mohamed Salah waxa uu ka ciyaari karaa No.10 ka wax dhibaato ahi ma jirto”. Sidan ayuu Klopp u sheegay Liverpool Echo

Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Mohamed waxa uu xataa ka ciyaari karaa No.9 ka. Waxa uu mararka qaar Roma u ahaa gool dhaliyaha, gool dhaliyaha labaad, waxaanu haysanaa doorashooyin kala duwan oo badan”.

Klopp oo ay kooxdiisa Liverpool ka hor iman doonto Bayern Munich ayaa tusaale boosaska Sadio Mane iyo Mohamed Salah tusaale ugu soo qaatay Franck Ribery iyo Arjen Robben wuxuuna sheegay in waqtigii ugu fiicnaa ee Bayern uu ahaa marka uu Robben oo bidixle ahi uu garabka midig ka ciyaaray isla markaana uu Ribery oo midigleh ahi uu garabka bidix ka ciyaaray.

Klopp oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waqtigii ugu guulaha badnaa ee Bayern Munich waxa uu ahaa markii uu bidix luhu garabka midig ka ciyaaray isla markaana uu midig luhu garabka bidix ka ciyaaray. Franck Ribery iyo Arjen Robben, taasi ma aha fikrada ugu xun!”.

Klopp oo idb ugu soo laabtay Mane ayaa yidhi: ‘Hore ayuu Sadio uga soo ciyaaray bidixda, waqtiga ugu badan ciyaartoyda waxaa u sahlan in ay dhinaca kale ka ciyaaraan, labadan ciyaarty waxay awood u leeyihiin  xawaaraha labada garab looga ciyaaro. Dabacan waanu ka fikirnay, laakiin waqti xaadirkan waa in aanu haysano doorashooyin kala duwan oo badan”.


Fikradaha Akhristayaasha (0)