Advertisements
Advertisements

Wargeyska Don Balon Oo Shaaciyay In Lionel Messi Uu Doortay Sadex Xidig Oo Badal U Noqon Kara Neymar Junior

Sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Spain – Lionel Messi ayaa doortay sadex xidig oo ay tahay iney u dhaqaaqdo kooxdiisa Barcelona si ay badal ugu noqdaan Neymar Junior kaas oo si ba’an loola xiriirinayo Paris Saint Germain.

Xidigii hore Santos ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo ka hayaamidda gobolka Catalan isagoo ogolaaday inuu u guuro caasimadda faransiiska Paris markaas oo ay kooxda ku ciyaarta Parc des Princess ku qasban tahay iney bixiso aduun dhan 222 Malyan oo Euro.

Wargeyska Don Balon ee kasoo baxa Spain ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay ku qasban tahay iney lasoo saxiixato sadexda xidig ee uu tilmaamay Lionel Messi midkood waxaana ugu horeeya wiilka reer Argentina ee Paulo Dybala kaas oo ku sugan Juventus.

Xidigii hore Palermo wuxuu ku jiraa booska koowaad liiska uu soo bandhigay Lionel Messi – balse waxaan la ogeyn sida ay Bianconerri u ogolaan doonto inuu ka baxo.

Dhanka kale Angel Di Maria ayaaka mid ah liiska uu so bandhigay Lionel Messi – kaas oo ka tirsan Paris Saint Germain waana xidigii hore Real Madrid.

In Angel Di Maria uu usoo guuro Camp Nou waxey dhalin doontaa muran badan madama uu xidigaan horay cadaawad uga abuurtay jamaahiirta gobolka Catalan.

Intaas waxaa sii dheer in 19-jirka reer France ee ka tirsan Borrusia Dortmund Ousmane Dembele uu ka mid yahay liiska shaqsiyaadka uu Lionel Messi doonayo in la keeno Camp Nou si loo helo xasilooni looga maarmo Neymar Jr.

Ugu dmabeyntiina Ernesto Valverde ayaa ku qasban inuu keeno badalkiisa, walow aysan wali ka quusan Philippe Coutinho oo ay ku fara-adeegeyso Liverpool.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com