Advertisements
Advertisements

Ciidamada Ammaanka oo fashiliyay qarax miino

Baladweyne(HNN) Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fadhiliyay qarax miino lagu aasay wadada dhinaceeda, kaddib markii  ay dadka deegaanka ku wargeliyeen ciidamada.

Qaraxa miino oo lagu aasay agagaarka deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho ayaa aheyd meel inta badan ciidamada qarax lagula eegto.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya in koox miino baarayaal ah oo goobta tagay ay ku guuleysteen inay kala fur furaan miinada.

Intii uu socday howl galka lagu fur furayay miinada ayaa waxaa la xiray wadada, waxaana saacado hakaday isu socodkii gaadiidka ee isaga kala gooshayay Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii u dambeeyay fashiliyay dhowr qarax oo lagu soo qariyay gaadiid, iyadoo ammaanka magaalada maalmihii la soo dhaafay is bedel laga dareemay.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com