Advertisements
Advertisements

DAAWO VIDEO: Madaxweynaha Hirshabeelle oo daah furay Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hiiraan

Baladweyne(HNN) Munaasabadan oo aheyd mid lagu daah furayay Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hiiraan iyo tan Magalaada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble. Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle,Maamulka Heer gobol iyo degmo ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay furan tahay maxkamadda islamarkana si cadaalad ah loogu shaqeyn doono bulshada.

inkasto markii hore Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Hiiraan ay jirtay ayaa hadda waxaa mudooyinkii ugu dambeyay hakad ku yimid howlihii ay bulshada u heysay balse maanta u daah furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com