Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha Mustaqbalka Barcelona Gerard Pique Oo Ku Dhawaaqay Mustaqbalka Neymar Jr Halka Uu Ahaan Doono.

Madaxweynaha mustaqbaka kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa soo afjaray musalsalkii xanta ahaa ee hawada galiyay mustaqbalka weeraryahanka reer Brazil Neymar Junior kadib markii uu ku dhawaaqay inuu xidigaan sii joogayo Camp Nou.

Warbaahinta Spain & kuwa Faransiiska ayaa maalmahii ugu dambeeyay aad u hadal hayay arrinta ah in xidigii hore Santos uu qiimo rikoor ah ugu wareegayo kooxda ka dhisan magaalada Paris taasoo diyaar u ah iney bixiso lacagaha lagu jabin karo hehsiiskiisa.

Sababta ugu weyn ee ay daliishadeen saxaafadda waxey aheyd in Neymar uu doonayo abaalmarino shaqsi ah isla markaana uu aaminay inuusan talaabadaas qaadi karin inta uu ka garab ciyaarayo Lionel Messi.

Si kastaba Gerard Pique oo ah shaqsiyaadka ugu dhaw ee saaxiibka la ah Neymar Junior ayaa ka farxiyay jamaahiirta Balaugrana kadib markii uu bartiisa twitter-ka soo dhigay sawir uu kula jiro xidig-yaraha reer Brazil.

View image on Twitter

 Follow

Gerard Piqué

@3gerardpique

Se queda.

Twitter Ads info and privacy

Si fudud ayuu Gerard Pique ugu soo qoray “Wuu Joogayaa” taasoo macnaheedu tahay inuu hubo joogitaanka Neymar.

Wargeyska The Sun ayaa shalay daabaca

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com