Advertisements
Advertisements

Man United Oo Hormar Ka Sameysay Dadaaladii Ay Ku Dooneysay Saxiixa Marco Verratti & Mino Riola Oo La Kulmay Ed Woodward.

Manchester United ayaa talaabo muhiim ah u qaaday helitaanka kubad sameeyaha Paris Saint Germain Marco Verratti kadib markii wakiilkiisa cusub Mino Riola uu kulan la qaatay madaxa fulinta kooxda Ed Woodward sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Starsport ayaa shalay shaacisay in Man United ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro xidigaan reer talyaani kaas oo doonaya inuu ku biiro Barcelona, balse maanta waxaa lasoo warinayaa in United ay hormar ka sameysay arintiisa.

Jose Mourinho wuxuu baahi weyn u qabaa xidig khadka dhexe ah, Marco Verratti ayaana haatan ah kan ugu dhaw oo ay heli karaan.

Wargeyska The People ayaa qiray In kooxda ka dhisan Premier League-ga ay hormar ka  sameysay wadahadalkii ay la yeesheen wakiilkiisa Mino Riola kaas oo xiriir wacan la leh.

Madaxa Fulinta Red Devils Ed Woodward ayaa shaaca ka qaaday inuu maalmahii lasoo dhaafay wadahadal ku aadan arinta 24-jirkaan kula jiray Mino Riola, walow uusan ka dhhawaajin sida uu u najaxay wadahadalkooda.

Warbixinta sidoo kale waxey leedahay in Marco Verratti dooqiisa koowaad uu yahay inuu ku biiro Barcelona, balse Paris Saint Germain ay doorbideyso inuu ku biiro Man United.

Dhanka kale waxaa jira qorshe kale oo ay damacsan tahay Paris Saint Germain kaas oo ah in Anthony Martial laga qeyb galiyo heshiiska xidigaan uu ku imaanayo Old Trafford.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com