Advertisements
Advertisements

Weerar lagu qaaday safaarada Isra’iil ee dalka Urdun

Baladweyne(HNN) Dowladda Isra’iil ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho weerarkii lagu qaaday safaaradii ay ku laheyd caasimada Amman ee dalka Jordan waxayna xadiday wararka ay tabinayaan warbaahinta dalkaasi.

Booliska dalka Urdun ayaa sheegay in la maqlay dhawaqa rasaasta kaddib markii nin deegaanka oo u shaqeynayay shirkad sameysa alaabaha guryaha la dhigto uu galay dhismaha safaarada.

Nin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay dhacdadani, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale oo uu kamid yahay nin Isra’iili ah.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay falkani, balse waxaa la rumesanyahay in arrintani ay la xiriirto xiisada ka taagan masjidka barakeysan ee Qudus.

 

Falastiniyiinta ku nool halkaasi ayaa ka carooday tallaabooyin dhanka ammaanka oo ay dowlada Isra’iil kusoo rogtay masjidka barakeysan ee Haram al- Sharrif oo ay yuhuudu u taqaano Temple Mount.

Waxaana sidoo kale tallaabada ay qaaday Isra’iil ka dhashay dibadbaxyo ay shacabka Urdun uga soo horjedaan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com