Advertisements
Advertisements

DAAWO: Ha’yada EFASOM oo Tababar ku saabsan Xaqa waxbarashada ku qabtay Baladweyne

Baladweyne(HNN) Ha’yada u dooda xuuqda waxbarashada loo siman ee Education for All Som(EFASOM) ayaa tababar looga hadlayo xaqa waxbarashada loo siman yahay u qabtay macalimiin wax ka dhiga jaamacaddaha.Iskuulada,xubno ka tirsan dhalinyarada,walidin iyo waxgaradka ku dhaqan Magalaada Baladweyne  kuwaaso tiradooda ay gaareyso 30 ruux waxan tababarkan bixinayay  Cabdirisaaq Sheekh Maxamed oo ah tababare ka tirsan EFASOM.

Furitaanka Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirkii ku xigeenka waxbarashada Maamulka Hirshabeelle Axmed Cabdi Cali,iyo Xoghayaha degmada Baladweyne Axmed Yuusuf Mataan,waxan dhamaantood ay soo dhaweeyeen tababarkan looga hadlayo xaqa waxbarashada iyago kula dardaarmay ka qeyb galayasha inay ka faa’ideystan tababarka.

Xubnaha ka qeyb galay tababarka oo dhowr kooxod loo qeybiyay ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan sida loo heli karo waxbarasho loo siman yahay kuwaaso ay ka mid yihiin in Wasaarada waxbarashada Maamulka Hirshabeelle culeys loogu saari  raadinta Xaquuqda Waxbarsho ee degmada Baladweyne islamarkaana loo sameyn lahaa manhaj mideysan oo uu dalkoo dhan yeesho waxay kaloo soo jeediyeen in ay la xisaabtami doonaan wasaaradda waxbarshada  Hirshabeelle ayna kala xisaabtami doonaan Xaq waxbarsho ay ku leeyihiin wasaaradda in la raadiyo Xaquuqda gabdhaha ee dhinac waxbarshada ayna ka raadin doonaan Maamul goboleedka Hir-shabeelle gaar ahaan wasaaradda waxbarshada sitaas loo gaaro waxay soo jeediyeen in dhaqaalo la’aantiisa aysan waxba soconeynin sidaa darteed bulshadana looga baahan yahay in ay bixiyaan cashuurtii lagu lahaa si loo helo waxbarsho lacag la’aan ah.

Tusaale ahaan Dood wadaaga 2-aad ayaa sidan u dhacay:
Su’aal: Sidee looga dhigi karaa waxbarashada asaasiga lacag la’aan.
Ka qeyb-galayaashu waxay ku jawaabeen sidatan:
1. In la helo wasaarad waxbarasho oo tayeysan
2. In la helo dhisme dugsiyo dowlada ay leedahay “public schools”
3. In la helo kooxo wacyi geliya waalidiinta si caruurtooda u geeyaan goobaha waxbarashada
4. In Kooxaha wacyigelinta iyo wasaarada ay xiriir joogta leeyihiin si canug kasta uu u helo xaqa waxbarashada u leeyahay in uu helo.
5. In kormeerayaal joogto ah loo helo skuulada

EFASOM kala xiriri:
Email: efasomsomalia@gmail.com
Website: www.efasom.org

 Maxamed Cabdi Saney

Hiilnews.com

Baladweyne.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com