});

Xubno ka tirsan Maamulka Balad-Xaawo oo xabsiga la dhigay

Baladweyne(HNN) Xubno ka tirsan maamulka degmada Beledxaawo ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii habeen hore xabsiga lagala baxay afar dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, kuwaasoo ciidamada amniga ku toogteen duleedka Beledxaawo, kadibna meydadkooda soo dhigay xaafadaha.

Ragga ka dilay ayaa la sheegay in la dilay, iyadoo aan la maxkamadeyn, balse maalmo ka hor ay ciidamada ammaanka soo qabteen, kaddib markii ay bam gacmeed ku tuureen guri uu degenaa nin nabadoon ah.

Xiisad ka dhalatay toogashada raggan ayaa ka taagan Beledxaawo, waxaana shalay halkaas gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, kuwaasoo la kulmay odayaasha iyo bulshada deegaanka.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Warsame Darwiish ayaa ka mid ah Wasiirada gaaray Beledxaawo, waxaana socda dadaalo lagu xalinayo xiisada.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledxaawo ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilka raggan lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo lagu waday in Maxkamad lagu saaro magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, ku xigeenkiisa iyo Taliyaha ciidamada amniga, waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago.

Waxgaradka deegaanka ayaa aad uga carooday falka lagu dilay ragga dhalinyarada lagu eedeeyay Al-Shabaab ee xabsiga inta lagala baxay lagu dilay banaanka magaalada.


Fikradaha Akhristayaasha (0)