Advertisements
Advertisements

DHAGEYSO: Dowlada Federaalka oo ka hadashay iska horimaadkii ka dhacay Muqdisho

Baladweyne(HNN)  Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay iska hor imaadyadii sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda 

Taliye Sanbaloolshe oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wixii maanta dhacay ay aheyd shil, isla markaana ay baaritaan dhab ah lagu sameyn doono.

“Wixii maanta dhacay wuxuu ahaa shil, baaritaan dhab ah ayaa lagu sameynayaa, cid kasta oo qaladkeeda ku soo baxda tallaabo ayaa laga qaadayaa”ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe oo intaa ku daray in Madaxda dowladda ay arrinta maanta dhacday u saari doonaan Guddi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shilkii maanta dhacay aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howl galada xasilinta ee ka socda Muqdisho.

Taliye Sanbaloolshe ayaa sheegay in shilkii maanta dhacay ay ku dhinteen saddex askari, isagoo xusay shilka uu ku yimid Ciidamada Madaxtooyada oo dhaq dhaqaaq sameynayay, laguna soo wargeliyay in Rag Shabaab ah oo isu ekeysiinaya NISA iyo Ciidamadii oo howl gal waday ay isku dhaceen, waxaana uu xusay in arrintaas laftirkeed baaritaan adag lagu sameyn doono.

Taliyaha Sanbaloolshe ayaa weerar kulul ku qaaday dad uu sheegay inay Mas’uuliyiin yihiin, gaar ahaan kuwo xasaanad leh oo ugala jeeday Xildhibaano, kuwaasoo uu ku eedeeyay in dhibkii dhaco buun buuninaya, ama si kale u dhigaya, isagoo xusay in dadkaas aanay marna ka hadlin horumarada ay wado dowladda iyo dadaaladii la sameeyay.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi ayaa sheegay in isku dhicii maanta uu ahaa mid lama filaan ah oo aan wax qorsheysneyn, isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay iska hor imaadkii maanta.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in falkii maanta dhacay ay dowladda ku xukuntay, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wada shaqeynta ka dhaceysa ciidamada dowladda.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ayaa maanta iska hor imaad ku dhex maray agagaarka Madaxtooyada, waxaa iska hor imaadkaas ku dhintay illaa lix askari oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsan NISA

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)