});

Nemanja Matic oo Tababarka La Qaatay Eden Hazard Isaga Oo Wali Sugaya In Mourinho Uu Ka Saaro Ciqaabto Antonio Conte.

Xidiga xulka qaranka Serbia iyo kooxda Chelsea ee Nemanja Matic ayaa wali ku jira go’doomintii uu Antonio Conte galiyay kadib markii uu macalinka ree Talyaani u sheegay sida uu u doonayo in uu ka baxo Stamford Bridge. Matic ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Chelsea ee safarka ugu maqan dalka Singapore kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Conte.

Nemanja Matic ayaa intii hore kalidii tababarka qaadanayay balse waxa uu maanta tababarka la qaatay Eden Hazard oo sarre u qaaday ka soo kabsashada dhaawicii canqowga ka soo gaadhay ee uu qaliinka ku maray bishii June. Eden Hazard ayaa maalmihii ugu danbaysay qaadanayay tababarka fudud isaga oo marba sarre u soo qaadaya awoodiisa ka soo kabsasho.

Waxa kale oo maanta xarunta tababarka Chelsea ee Cobham training ka soo xaadiray Pedro Rodriguez kaas oo dib u bilawday tababarka fudud inkasta oo ay jabniino badani ka soo gaadheen wajiga sida uu Antonio Conte xaqiijiyay intii lagu jiray kulankii Arsenal. Pedro ayay si xun iskugu dhaceen David Ospina waxaana loola cararay cisbitaal isaga oo markii uu ka soo baxay si toos ah ugu soo laabtay London.

Laakiin xidiga ree Spain ayaa Eden Hazard iyo Nemanja Matic  la qaatay tababarka inkasta oo uu bilawday tababarka fudud. Laakiinta Nemanja Matic ayaa ah mid gaar ah iyada oo mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich uu ogolaaday in uu ku biiri karo Manchester United balse ay u baahan yihiin 50 milyan oo gini.

Jose Mourinho ayaa si wayn u doonaya saxiixa Nemanja Matic  laakiin dalabkii ugu horeeyay oo 35 milyan oo gini ku qiimaysnaa ayay Chelsea iska diiday. Matic ayaa qalbiga gashaday in uu Mourinho la midoobo kadib markii uu Conte dalbaday Bakayoko kaas oo la filayo in uu booskiisa buuxin doono.

Chelsea ayaa ka hor kulamada furitaanka Premier Leaque-ga waxay Wembley Stadium kula ciyaari doontaa Arsenal iyaga oo iskaga hor iman doona kulanka finalka Community Sheildka laakiin saxiixyada cusub ee Bakayoko iyo Antonio Rudiger ayaan wali taam u ahayn in ay ku soo bilawdaan shaxda Conte halka Alvaro Morata uu saftay kulankiisii ugu horeeyay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)