Advertisements
Advertisements

Agaasimayaasha Ac Milan Oo Bilaabay Qorshe Cajiib Ah Oo Ay Ku Baarayaan Sida Lagu Heli Karo Cristiano Ronaldo

Agaasimayaasha kooxda Milan ayaa bilaabay baaritaan la xiriira suuragalnimada ay ku heli karaan ciyaariyahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga.

Madaxa fulinta kooxda Marco Fassone iyo asgaasimaha ciyaaraha Massimiliano Mirabelli ayaa kula kulmay magaalada London Jorge Mendes iyagoo wax ka weydiiyay arimaha ku saabsan xidiga kusii dhawaanaya inuu markiisii shanaad ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Sky Sport Italia waxey qireysaa in labadaan shaqsi ay weydiiyeen Jorge Mendes hadii ay jirto xiiso uu Ronaldo u qabo inuu kaga guuro horyaalka La Liga.

Si kastaba warbixinta waxey tibaaxday in su’aalo badan ay ka weydiiyeen xidigaas walow qorshaha kulankooda uusan ku saabsaneen ka hadalka xidigii hore Manchester United.

Sidoo kal Fasone iyo Mirbelli waxaa loo sheegay iney xidigaan ku heli karaan ugu yaraan 179 Malyan oo Pound iyo iney jeebka ugu shubaan isbuucii 550,000 kun oo Pound.

Mustaqbalka 32-jirkaan ayaa xasilay sida muuqato inkastoo bishii lasoo dhaafay iyo horaanta bishaan si ba’an loola xiriirinayay inuu ka tagayo Los Blancos madama uu ka carooday sida ay ula dhaqmeen waaxda canshuuraha.

Dhanka kale Sky Italia waxey qirtay in ajandaha shirkii ay London ku yeesheen uu ahaa iney ka wada hadlaan sidii loo maareyn lahaa xaaladaha Diego Costa, Radamel Falcao iyo Renato Sanches oo dhamaantood laga doonayo San Siro.

Ads by Revcontent

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com