Advertisements
Advertisements

Guddigii u magacaabay Farmaajo oo baaritaan bilaabay

Muqdisho(HNN) Waxaa maanta si rasmi ah u shaqa bilaabay gudigii loo xilsaaray in ay soo baaraan shaqaaqadii ka dhacday meelo ka mid ah magaalada Muqdisho taas oo u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xakiin Daahir Saciid Saacid oo gudoomiye u ah Gudigii uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay Baarista shaqadii loo igmaday.

Waxaa maanta lagu arkay Isgoyska Umbulutooriyo Ceel-gaab oo ka mid ah goobta ay shaqaadada ka dhacday Ciidamo Boolis ah iyo Rag khubaro ku ah baarista dhacdooyinkan oo kale, oo ay hoggaaminayaan rag ajaanib ah, kuwaasi oo baaritaan gaar ah ku haya goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka iyo agagaarkiisa.

Ciidamadan oo adeegsanaya qalab lagu baaro dhacdooyinka nuucaan oo kale ah ayaa waxa ay baaritaano gaar ah ka sameeyeen kontoroolka uu ka dhacay iska hor imaadka.

Sidoo kale saraakisha khubarada ah ee baaritaankan horkacayay ayaa la arkayay iyaga oo su’aalo ka weydiinaya arrintan shacabkii halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamadii halkaasi ka akdhowaa ee aan qeybta ka aheyn falkan.

Sidoo kale Ciidamada ayaa intii ay wadeen baaritaaanka waxa ay labada dhinac ku jareen Gawaarida ay wataan, si halkaasi aysan ugu soo gudbin Gawaarida iyo dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaala.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com