Advertisements
Advertisements

Idaacadda Gobolka Catalan Ee RAC1 Oo Ka Farxisay Jamaahiirta Barca Kana Soo Warantay Arinta Philippe Coutinho La Xiriirineysa Barcelona.

Kubad sameeyahan Liverpool & qaranka Brazil Philippe Coutinho ayaa cadaadis badan saaraya kooxdiisa isagoo doonaya in laga iibiyo Barcelona sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gobolka Catalan.

24-jirkaan heerka caalami waxaa mudooyinkii dambe si ba’an loola xiriirinayay Barcelona tiiyoo ay jirto in wargeyska Marca uu shaaca ka qaaday in xidigaan uu heshiis shaqsi ah u saxiixay kooxda Barcelona.

24-saac kadib warbixintii Marca waxaa soo ifbaxaya warar kale oo sheegaya in xidigaan uu ku qasbayo Liverpool in laga iibiyo Barcelona waxaana soo wariyay idaacadda gobolka Catalan ku taala ee RAC1.

Starsport ayaa qortay isbuucii lasoo dhaafay in Barcelona laga soo diiday dalab dhan 72 Malyan oo Pound balse ay dooneyso iney hormariso iyadoo gaarsiin karta 89 Malyan oo Pound.

Si kastaba wariyaha idaacadda RAC1 Gerard Romero wuxuu bartiisa twitter-ka kusoo qoray in wax walba dhaw yahiin isla markaana ay macquul tahay inuu xidigaan yimaado garoonka Camp Nou.


Fikradaha Akhristayaasha (0)