Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle oo qaadacay Go’ankii Maxkamadda Sare

Baladweyne(HNN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka soo horjeestey kuna  tilmaamay in khalad uu yahay go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ee ah in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda ee la dhaariyay in la dhaho kuraastiina waa lagu noqonayaa, taasi oo ku tilmaamay in ay ka hor imaaneyso dadaaladii loo soo maray dhisida dowladnimada.

War Saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hirshabeelle ayuu ku  sheegay in 8dii Xildhibaan, horey go’aan ay uga gaareen Madasha Wadatashiga Qaran ee u Xilsaarnaa ka gudbitaanka xiliga kala guurka oo ahaa in sharci ay yihiin islamarkaana loo dhaariyay in ay gutaan waajibaadka Qaran ee loo doortay, waxaana uu carabka ku adkeeyay Madaxweynaha in sharci daro ay tahay in go’aan Baarlamaanka uu ka gaaray ee ah in xildhibaanadaasi ay sharci yihiin in mar labaad maxkamadda Sare ee ka hortimaado go’aankaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble Siyaad oo sii hadlay ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oo cod aqlabiyad ah oo 180- Xildhibaan haa ay u codeysay in Xildhibaanadani sharci yihiin islamarkaana aanan laga hor imaan karin.

“Waxaa sharci ah Go’aanka Baarlamaanka Dalka, Marna ma ogolin mana aqbaleyno in la khilaafo go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, ujeedada laga leeyahay in la abuuro khilaaf siyaasadeed misana la iska diido go’aanka golaha shacabka qaab aan u fasirno ma naqaano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cosoble.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka digay in xasilooni siyaasadeed dalka la galiyo, waxaana uu soo jeediyay in loo hogaansamo go’aanada oo sharci ay ku fadhiyaan 8-da Xildhibaan ee Maxkamadda Sare muranka galisay.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com