Advertisements
Advertisements

Neymar → PSG, Bale → Arsenal, Coutinho → Barca, Matic → Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

Paris Saint Germain ayaa kalsooni ku qabta iney lacag dhan 198 Malyan oo Pound kula soo saxiixato 25-jirka reer Brazil Neymar Junior 15-ka maalmood ee soo aadan. (L’Equipe).

Barcelona ayaa isku dayeysa iney lasoo saxiixato ciyaariyahanka Liverpool Philippe Coutinho kaas oo 25-jir ah hadii ay PSG la wareegto Neymar Junior. (Talksport).

Kubad sameeyaha Liverpool Philippe Coutinho ayaa ka dalbanaya kooxdiisa in laga iibiyo Barcelona xilli goor hore uu heshiiska shaqsiga u saxiixay. (RAC1)

Kylian Mbappe oo 18-jir ah ayaa kusoo wajahan Real Madrid taasna waxey la macno tahay in 28-jirka Real Madrid Gareth Bale uu ku biirayo Manchester United. (Independent).

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay heysato dhaqaale u suuragalin kara iney Kylian Mbappe kula dagaalanto Real Madrid. (Mail)

Gareth Bale ayaa iska diiday inuu aado Arsenal, Gunners waxey dooneysaa in xidigaan reer Wales ay badal uga dhigto Alexis Sanchez. (Don Balon).

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday suuragalnimada ah in kooxdiisa ay dib ula saxiixato weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic. (Times)

Arsenal ayaa qarka u saaran iney 45 Malyan oo Pound kula wareegto Thomas Lemar inkstoo madaxweyna ku xigeenka Monaco uu sheegay inuusan iib aheyn. (Metro).

Manchester United ayaa wali rajeyneysa iney la saxiixato 28-jirka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea Nemanja Matic kuna hesho 40 Malyan oo Pound. (Independent).

Antonio Conte oo qiray inuu lasoo saxiixan lahaa Harry Kane kana mid yahay weeraryahanada ugu wanaagsan dunida waqtigaan. (Daily Mail).

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com