Advertisements
Advertisements

RASMI: Taariikhda Iyo Waqtiga Rasmiga Ah Ee Kulamada Furitaanka Horyaalka La Ligaha La Ciyaarayo Oo La Shaaciyay

Maamulka horyaalka La Ligaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay taariikh iyo waqtig rasmi ah ee la ciyaari doono kulamada furitaanka horyaalka kadib markii ay dhawaan la soo saaray jadwalka oo dhamaystiran balse maamulka la Liga ayaa xuquuqda baahinta TV-ga ku saleeya waqtiga iyo taariikhda kulamada la ciyaarto. Koox kastaaba hadda waxay ogtahay maalinta iyo waqtiga ay xili ciyaareedka cusub bilaaban doonto.

Kooxda koobka horyaalka La Liga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa horyaalka ku bilaaban doonta kulanka ay martida u noqon dooto kooxda Deportivo La Coruna  waxaana kulankan la ciyaari doonaa axada August 20 marka ay saacadu tahay 22:15  CET.

Barcelona ayaa iyaduna xili ciyaareedka cusub ku bilaaban doonta Camp Nou waxayna soo dhawayn doontaa Real Betis iyada oo kulankan la ciyaari doono isla August 20 marka ay saacadu tahay 22:15  CET. Haddaba halkan kaga bogo dhamaan taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada furitaanka La Ligaha

Kulamada Furitaanka La Ligaha (Waqtiga waa CET):

Jimce, August 18:

20:15: Leganes-Alaves

22:15: Valencia-Las Palmas

Sabti, August 19

18:15: Celta Vigo-Real Sociedad

20:15: Girona-Atletico Madrid

22:15: Sevilla-Espanyol

Axad, August 20

18:15: Athletic-Getafe

20:15: Barcelona-Betis

22:15: Deportivo-Real Madrid

Isniin, August 21

20:15: Levante-Villarreal

22:00: Malaga-Eibar

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com