Advertisements
Advertisements

Tacsi: AUN Ustaad Maxamuud Cismaan idaaqiila oo ku geeriyooday Muqdisho 

Baladweyne(HNN) Allaha unaxariiste waxaa Magalaada Muqdisho xalay ku geeriyooday Marxuum Maxamuud cismaan oo loo yaqaanay Idaaqiila islamarkana ka mid ahaa  macaliminta wax ka dhiga iskuulka mujamac ee Magalaada ee Baladweyne.

Maamulka Hiilnews,Guudoomiyaha Bulshada rayida Bashiir Xuseen dhoore iyo bahda waxbarashada ayaa ka tacsiyadeeyay geeridi ku timid allaha unaxariiste Maxamuud Cismaan Xassan ( Idaaqiila) oo xalay ku geeriyooday Magalaada Muqdisho.

” Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajucuun waxan halkan tacsi uga direyna dhamaan eheladii,qarabadii iyo qoyskii uu ka tagay marxuum Maxamuud cismaan Xassan oo ka mid ahaa macalimiinta muddo dheer wax ka dhigayay iskuulka mujamac ee Magalaada Baladweyne samir iyo iiman allaha naga wada siiyo isagana jannadi fardowsa allaha ka waraabiyo aamiin,aamiin,aamiin.

Marxuum Maxamuud Cismaan Xassan (idaaqiila) ayaa marka laga soo tago inuu ahaa macalin wax ka dhiga iskuulada Magalaada Baladweyne door muuqaad ka soo qaatay caawinta dadka dhibateysan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com