Advertisements
Advertisements

Warbixin: Ivan Rakitic Oo Laga Yaabo Inuu Qeyb Ka Noqdo Heshiiska Uu Philippe Coutinho Ku Aadayo Barcelona

Barcelona ayaa soo hindistay qorshe cusub oo ay u aragto iney ku heli karto kubad sameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho kaas oo goor hore lasoo wariyay inuu heshiis shaqsi ah u saxiixay kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalan ayaa si ba’an u dooneysa Coutinho si uu badal buuxa ugu noqdo kabtan Andreas Iniesta oo 12-bilood kadib la fahansan yahay inuu ka huleelayo Camp Nou.

Express waxey fahansan tahay in Barcelona ay dooneyso iney dalab dhan 80 Malyan oo Pound iyo mid ka mid ah xidigaheeda hordhigto Liverpool.

Jurgen Klopp wuxuu doonayaa inuu heysto xidigiisa ugu muhiimsan balse dalabka ay qorsheyneyso Barcelona maahan mid la diido karo madama lacagta ay ku dareyso Ivan Rakitic oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda ka dhisan Camp Nou.

Ernesto Valverde wuxuu doonayaa inuu kooxdiisa ku xoojiyo Coutinho isagoo iska iloobaya tayada xidigii hore Sevilla Ivan Rakitic iyadoo ay xusid mudan tahay in labadaan xidig ay sanadkii hore heshiiska u kordhiyeen kooxahooda.

Diario Gol waxey ka dhawaajisay in qorhsahaan uu kasoo maaxday tababaraha cusub ee kooxda Barcelona Ernesto Valverde kaas oo aaminsan in saxiixa Coutinho uu niyadda u dajin doono xidiga lala xiriirinayo Paris Saint Germain ee Neymar Jr.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com