Advertisements
Advertisements

Cilmi-baarayaashii Nigeria oo kala bar la dilay

Baladweyne(HNN) Ugu yaraan shan xubnood oo ka mid ah kooxdii waqooyi bari Nigeria ka baaraysay shidaalka ee ay Talaadadii weerrarka gaadmada ah ku soo qaadeen maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Boko Xaraam ayaa la dilay, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay jaamacadda.

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan 40 qof ay guud ahaan halkaasi ku dhinteen, intooda badanna ay yihiin askar iyo mutadawiciin ka tirsan koox rayid ah oo iskeed isku abaabushay oo ka shaqeysa ammaanka.

Warkaasi ayaa sidoo kale si weyn ugu baahay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.

Kani waxa uu ahaa weerar gaadma ah oo ay caddahay in si wanaagsan ay u soo abuubukeen maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Boko Xaraam, kuwaasi oo weerraray kolonyo si weyn loo ilaalinayay xilli ay dib ugu soo laabanayeen magaalada Maiduguri.

Markii hore milateriga Nigeria ayaa ku andacooday in dhammaan cilmi-baarayaashii la soo badbaadiyay hasayeeshee haatan jaamacadda ayaa sheegayso in shan ka mid ah kooxdaasi ay dhinteen halka dhowr kalana weli la la’yahay, malaha waxaaba qabsaday fallaagada.

Ammaanka magaalada Maiduguri ayaa soo hagaagayay hasayeeshee deegaanada ka baxsan magaaladaasi ee baadiyaha ayaa waxaa weli maamula maleeshiyaadka Boko Xaraam.

Milateriga ayaa ku adkaysanaya in gebi ahaanba laga guulaystay fallaagada hasayeeshee weerrarkan lagu baaba’ay ee galaaftay nolosha dad qiimo leh, ayaa loo arki doonaa dhabar jab weyn.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com