Advertisements
Advertisements

Danjiraha Somaliya ee QM oo warqadaha aqoonsiga laga gudoomay

Baladweyne(HNN) Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee New york looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo.

Warqadaha aqooonsiga ayaa waxaa danjiraha cusub ka gudoomay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres islamarkana kulan gaar ah  wada qaatay.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in laga guddoomo waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo, isagoo sheegay inuu waajibaadkiisa u gudan doono si waafaqsan diblomaasiyada.

Abuukar Baalle oo ah reer Mareykan degenaa Gobolka OHIO, ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya, waxaana markii u dambeysay uu muddo bilo uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Safiirka soomaliya u fadhin doona xaruunta qaramada midoobay abuukar Baalle oo u warmay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa beeniyay wararka sheegaya in aanu heysan xasaanad diblomaasi, maadaama uu heysto dhalashada Mareykanka, waxaa uu xusay in baasaboorkiisa diblomaasiga Soomaaliga ku soo galay Mareykanka, isla markaana uu heysto xasaanad diblomaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan Abuukar Baalle u magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Qaramada Midoobey, kaddib markii danjirihii hore Yuusuf Garaad uu bishii March ee sanadkan ka mid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com