Advertisements
Advertisements

HRW oo Warbixin ka soo saartay Xaalada ka jirta Gobolka shabeellaha hoose

Baladweyne(HNN) Warbixin ay soo saartay ha’yada human Rights Watch ayay ku sheegtay  dagaalyahanada Al-shabaab ayaa qafaasha dad rayid ah, dhacay xoolo, islamarkaana dab qabadsiyay guryo taasi oo keentay in dad ka badan Shan iyo Toban Kun ka barakacaan guryahooda.

Natisha Pather oo ah cilmi baare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika oo la hadashay VOA ayaa sheegtay dabayaaqadii bishii May ee sanadkan in Shabaab ay weerar ku qaadeen 18 Tuulo oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxa ay gudaha u galeen tuulooyin oo dab qabadsiiyeen guryihii ku yaallay, waxay dhaceen xoolihii dadka, iyaga oo sii afduubtay Tobonaan qof oo ay ku jiraan Odayaal, kuwaasi oo mudo Todobaadyo ah ay ku hayeen degaanka Mubaarak”. Ayay tiri Pather.

Hay’addu waxa ay sheegtay colaada ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose in ay saameyn weyn ku yeelatay dadka rayidka ah.

“Natisha Pather Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyaadka laba beelood oo gobolka ku hardamaya ayaa u nugleeyay dadka rayidka in colaada dhexdooda ah lagu waxyeeleeyo, Al-shabaab iyana dhinac ayay ka tahay dhibaatada dadka rayidka ah lagu hayo, waxaa kaloo qeyb ka ah bey tiri qaar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la kala safaday maleeshiyo beeleedyada”

Sidoo kale waxa ay sheegtay Mrs. Pather in Ciidanka AMISOM ay qeyb ka yihiin dhinacyada dadka ku xadgudbaya, maadaama ay sheegtay mudo sanado ah in ay diiwaan gelinayeen dil aan loo aaba yeelin oo Ciidanka AMISOM ay u geysteen dad shacab ah.

Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch waxa ay soo xiganeysaa QM oo sheegtay Dagaal ka dhacay Lambar Konton mudadii u dhaxeysay 21-23 May ee sandkan uu ururka Al-shabaab ka afduubtay qiyaastii 70 Qof oo ay ku jiraan Dumar iyo Caruur.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobolada ugu wax soo saarka badan ee Soomaaliya ayaa mudo dheer waxaa ka socday Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedyo iska soo horjeeda, Ciidamada Dowladda Federaalka, Ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, laakiin saameynta ugu weyn waxaa ku yeeshay Dagaalka laba beelood oo awooda gobolka iksu heysta.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com