Advertisements
Advertisements

Maamulka koonfur Galbeed oo gashaanka u daruuray Go’ankii Maxkamadda Sare

Baladweyne(HNN) Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  k soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku sheegtay in dib loogu laabanayo Doorashada 8 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo Doorashadooda ay horey uga dhacday gobollada dalka.

Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay) ayaa sheegay mowqifka Koonfur Galbeed ay ka qabto arrintan in uu yahay mid ay kaga soo horjeedaan go’aankii Maxkamadda, ayna taageerayaan go’aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan dib loo dooraneyn Kuraastaasi.

“Mowqifka ay ka qabto Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed go’aankii Maxkamadda Sare ayaa ah mid aan kaga soo horjeedno arrintaas, waxaan taageereynaa Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inaan dib loo dooraneyn 8-da kursi ee horey Doorashooda ay uga dhacday degaan Doorashooyinkeeda” Ayuu yiri Wasiirka

Dhanka kale Wasiirka Hubka dhigista, Dhaqancelinta iyo Tababarada Maleeshiyaadka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay mudooyinkii dambe in ay isa soo tarayeen Dhalinyarada Shabaab ka tirsan ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay  in ay diyaar u yihiin in ay gacmo furan ku soo dhaweeyaan Dhalinyarada Shabaabka ka tirsan ee isku soo dhiibaya Koonfur Galbeed, isaga oo Ciidanka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay kordhiyaan Howlgalada.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa horey uga soo horjeestay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka, wuxuuna taageeray Baarlamaanka oo sheegay inaan dib loo dooraneyn 8-da kursi.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com