Advertisements
Advertisements

Mustaqbalka Neymar, Kulanka El-Clasico Ee Miami & Madaxweyne Josep Maria Bartomeu Oo Ka Hadlay Guulaha Ernesto Valverde

Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda ay leeyahiin go’aanka ay uga tagayaan kooxaha ama ay ku joogayaan isagoo ka hadlayay arimaha soo noq-noqday ee Neymar Jr la xiriirinaya Paris Saint Germain.

Warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysa in xidigii hore Santos uu diyaar u yahay ku biiritaanka Paris Saint Germain iyadoo kooxda reer France ay qudheedana diyaar u tahay iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo gaaraya 222 Malyan oo Euro.

Si kastaba Josep Maria Bartomeu wuxuu doonayaa iney sii heystaan xidigaan heerka caalami balse wuxuu si dadban uga dhawaajiyay inuu go’aanka gacantiisa ku jiro.

“Neymar waa mid ka mid ah ciyaartoyda noogu fiican, mana dooneyno inaan lumino” ayuu yiri Josep Maria Bartomeu oo wareysi siinayay wargeyska New York Times.

“Waxaan ka dooneynaa inuu nala sii joogo, wali wuxuu heystaa afar sano, balse ciyaariyahanada ayaa go’aansada, hadii ay doonayaan iney baxaan ma jirto wax laga dhaho”

“Waan u baahanahay sababtoo ah, hadii aan dooneyno inaan ku guuleysano waxaan u baahanahay inaan heysano ciyaartoyda ugu fiican”

Bartomeu wuxuu bogaadiyay in kulanka El-Clasico ee ka dhici doona Miami uu yahay ganacsi fiican isla markaana ay macquul tahay iney aqbalaan laba sano kadib.

“Waa heshiis u fiican labada kooxood”

“Haa, waan sameyn doonaa mustaqbalka”

“Sida iska cad maya sanadka xiga, balse in ka badan laba sano, sabab aysan u aheyn”

Dhanka kale tababare Ernesto Valverde ayaa gaaray laba guulood labadiisii kulan ee ugu horeysay wuxuuna dhiirigalin ka helay Bartomeu.

“Labadii sano ee lasoo dhaafay, kooxda nala xifaaltanta wax badan ayey barteen haddana wey garanayan sida naloola ciyaaro”

“Taasina waa sababta aanan ugu guuleysan wax walba”

“Waan ognahay halka ay ciyaarteena ka daciifsan tahay Valverde ayaana ka shaqeynaya”

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com