Advertisements
Advertisements

Al Shabaab oo Caawa Weerar ku qaaday degmada Afgooye

Baladweyne(HNN) Dagaalamayaasha Shabaab ayaa Caawa weeraray Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Wariyaasha ka howlgala Magaalada Afgooye  ayaa ku soo waramaya in dagaalka uu qaatay wax ka badan 30 daqiiqo la iskuna adeegsaday hubka culus iyo kan fudud waxa uuna saameeyay isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Raga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay iska soo dhigeen Shacab Islamarkaana ay soo qaateen Gaari Homey ah iyagoo kaga degay meel u dhaw Saldhigga Ciidanka kadibna ay weerarka soo qaadeen.

Xaalada ayaa hada degan waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com