Advertisements
Advertisements

Barcelona Oo Sadex Ciyaartoy Midkood U Dhaqaaqi Doonta

Barcelona ayaa isku diyaarineysa bixitaanka Neymar Jr oo si ba’an loola xiriirinayo kooxda Paris Saint Germain ee dalka faransiiska taasoo diyaar u ah iney bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo dhan 222 Malyan oo Euro.

Ciyaariyahanka reer Brazil dhawaan waxey isku dhaceen saxiixa cusub ee kooxda Nelson Semedo isagoo muujiyay caro xoog leh isagana baxay tababarka inkastoo markii dambe uu kusoo laabtay.

Si kataba Balaugrana waxey isku diyaarineysaa bixitaanka xidigaan, waxaana la ogaaday sadex xidig oo ay u dhaqaaqi doonto si ay badal uga dhigto xidiga laga dareemayo inuu siibi doono maaliyadda kooxda Camp Nou.

Philippe Coutinho: Ciyaariyahanka heerka caalami ee qaranka Brazil ayaa bartilmaameedka ugu horeeya u ah Barcelona waxaana xidigaan ay ku baadi goobeysaa aduun ka badan 100 Malyan oo Euro.

Balaugrana ma hubto iney heli doonto xidigii hore Inter Milan madama Liverpool ay si fiican ugu adkeysaneyso ineysan lumin xidigeeda muhiimka ah kaas oo la fahansan yahay inuu door muhiim ah ku leeyahay qorshaha xilli ciyaareedka ee uu maleegay tababare Jurgen Klopp.

Delle Ali: Wiilka da’da yar ee xulka qaranka England waa mid uu jecel yahay Lionel Messi sida ay ku waramayaan warbaahinta Spain.

Wiilkaan dhalinta yar 22-gool ayuu dhaliyay 50-kulan oo uu u saftay kooxdiisa dhamaan tartamada oo dhan, waana dooqa labaad ee Barcelona hadii ay weyso Neymar Jr.

Eden Hazard: Jamaahiirta Blues ayaa ku faraxsan in Hazard uu mar kale kubadda laadi doono dhawaan madama uu tababarka kusoo laabtay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu badal u noqon doono Neymar Jr.

Hazard si weyn ayuu u doonayaa inuu ku biiro Real Madrid, balse markaan wuxuu soo galay liiska xidigaha lala xiriirinayo Barcelona.

Si kastaba Antonio Conte ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in xidigiisa rer Belgium uu yahay mid ku faraxsan nolosha Stamford Bridge.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com