Advertisements
Advertisements

DAAWO: Maamulka Hiiraan oo sheegay in laga cabsi qabo in Macaluul ka dilaacdo gobolka

Baladweyne(HNN) Guudoomiyaha Maamulka  Gobolka Hiiraan Cumar Aadan ibraahim Baadiyow ayaa sheegay in  laga cabsi qabo in macaluul  ay ka dilaacdo qeybo ka mid ah Gobolka isago  sheegay in dururfo dhanka nolosha ay soo wajeen dadka ku nool Gobolka Hiiraan  kuwaaso inta badan ku tiirsana dhaqashada xoolaha iyo tabcashada beeraha islamarkana ay sameyn ku yeelatay abaartii ku dhuftay dalka waxan ugu baqay ha’yadaha samafalka, Maamulka Hirshabeelle iyo dowlada dhexe inay gacan ka geystan caawinta dadkan dhibateysan.

Dadka ku nool gobolka Hiiraan oo markii horaba la dala dhacayay sameynta ka dhalatay abaarta ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka ayaa waxaa xiligan  ugu biirsamay ama ugu darsamay lacagta shilinka soomaliga oo laga diiday Magalaada taaso ku yeelatay dadka muruq maalka oo intooda badan ku shaqeyn jiray lacago shilin soomaliga waxan xiligan Magalaada Baladeyne looga adeegtay lacag dollar ah.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com