Advertisements
Advertisements

DAAWO: Magaalada Hargeysa oo laga furay kaniisad muddo 30 sano ah xirneyd

Hargeysa(HNN)  Haweeney Ajaaniib ah oo lagu magacaabo Marianne Vecchione ayaa ku dhawaaqday in Somaliland dib looga furay Kaniisad muddo 30 sano halkaas ku taallay oo ay ku cibaadeystaan dadka heysta Mad-habta Katooliga.

Haweeneydan oo ka hadlaysay barnaamij looga hadlayay mutadawacnimada ayaa sheegtay in labo howleed ay u timid Hargeysa, sida inay furto Kaniisad iyo inay dadka si mutadawacnimo ugu adeegtay.

Waxaa ay sheegtay in Xukuumadda Somaliland ay u ogolaatay in dib looga furo Kaniisada, si dadka ajaaniibta ee shaqooyinka u jooga halkaas ugu cibaadeystaan.

“Asalkeygii hore waxaa aan Somaliland u yimid Hawl mutadacnimo ah taas oo ah kaniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay magaalada Hargeysa  taas oo xidheyn muddo 30 sanadood ah ” ayey tiri Marianne Vecchione.

Marianne ayaa sheegtay in maamulka Somaliland ay dalnimadooda ay muhiim u tahay in dadka Kirishtaanka ah loo ogolaado meel ay ku cibaadeystaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan sheegashada haweeneydan ajaaniibta ee ah Hargeysa dib looga furay kaniisad xirneyd muddo 30 sano ah.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com