Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: kooxo hubeysan oo Weerar ku qaaday guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya

Baladweyne(HNN) Dabley aan la aqoon ayaa weerartay guriga madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto xili Kenya ay isku diyaarineyso dhawaan doorashada madaxweynaha.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday xoog ku jiireen askar booliis ah oo ku sugneyd afafka hore ee guriga madaxweyne ku-xigeenka oo ku yaalay degmada galbeed ku taalla ee lagu magacaabo Uasin Gishu

Waxaa uu Wargeysku intaa ku darray in ay dableydaasi guriga gudaha u wallow markii danbe la sheegay in ciidamo booliis ah la wareegeen amniga goobta.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegay in kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab qafaasheen mid ka mid ah gadiidkii olalaha doorashada madaxweyne Uhur Kenyatta iyo dadkii la socday oo aan la ogeyn halka ay la tageen.

Kenya ayaa isku diyaarineysa doorasho xasaasi ah oo siweyn isha loogu wada hayo, dhawaanna laamaha amniga dalkaas waxaa ay ka digeen weeraro laga yaabo in ay dhacaan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com