Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Galmudug oo furay kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka

Baladweyne(HNN) Madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Cadaado uga daah  furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamanka Galmudug.

Xildhibannada Galmudug ayaa looga fadhiya inay meel mariyaan dhowr arimood ay ka mid yihiin Ansixinta sharciga Taraafikada canshuur aruurinta wasaarada Maaliyadda.Ansixinta Siyaasadda wasaaradaha.iyo Ansixinta Sideed hindise Sharciyeed iyo sharciyo kale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in xildhibannada Galmudug looga bahan yahay inay dardar galiyaan howsha loo igmaday isago sheegay in xiligan deegannada Maamulkiisa ay ka jiran abaaro iyo dagaalo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)