Advertisements
Advertisements

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay deegano ka tirsan gobolka Gedo

Baladweyne(HNN) Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegay in Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geysteen deegaano ku dhow dhow Magalaada  Garbahaarey ee xaruunta gobolka  Gedo

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen guuxa diyaarado iyo jug ku dhaceysay deegaano miyi ah, lama oga khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaan lagu magacaabo Kulbis, halkaasoo la tuhunsan yahay in Al-Shabaab ay saldhig ku leeyihiin.

Ugu dambeyntii Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo uga geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana duqeymaha qaar ay waxyeelo ka soo gaartay xoolo.Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay la kulmayay duqeymo cirka ah, waxaana dhowr jeer duqeymo lagula bartilmaameedsaday Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com