Advertisements
Advertisements

Ganacsatada Maamulka Jubbaland oo looga digay inay tageeran Al shabaab

Baladweyne(HNN) Maamulka Jubbaland ayaa u digay shacabka tageera ururka Al shabaab oo dagaal kula jira dowlada Federaalka iyo ciidamada AMISOM islamarkana xiligan maamula qeybo ka mid ah gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wasiirk amniga  Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ku sugan Magalaada luuq ee gobolka Gedo islamarkana shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq, ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed isago uga digay shacabka inay tageero dhan walba ah siiyaan Al shabaab.

Ugu dambeyntii Xoogaga Shabaab ayaa deganada ay ka maamulaan Gobolada dalka Somaliya dadka ku nool waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zkawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstadaha ah uga digtay inay bixiyaan dhaqalo Shabaab lagu taageeraayo.

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com