Advertisements
Advertisements

Xildhibaano mooshin ka wada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Baladweyne(HNN) Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo uga imaanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaasoo ku howlan mooshin ka dhan ah.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ku eedeeyeen Madaxweyne kuxigeenka howl gudasho la’aan, isla markaana uu ka gaabiyay waxyaabihii loo igmaday.

Xildhibaanada ku kacsan Madaxweyne kuxigeenka ayaa ah kuwo ka soo jeeda waqooyiga Galgadud, kuwaasoo aaminsan in Madaxweyne kuxigeenka uu gabay qeybtii uu maamulka Galmudug ku matalo deegaanadooda.

Siyaasiyiin ku heyb ah Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa la sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay isugu soo sharaxi lahaayeen xilkaas, hadii Xildhibaanada mooshin ka gudbiyaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay shalay Cadaado ayaa la filayaa inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay dhici karto in is bedel ku yimaado xubnaha maamulkaas.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda olole xil raadis ah, iyadoo siyaasiyiin dhowr ahna ay xusul duub ugu jiraan xilal wasiir.

Xigasho Jowhar. 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com