Advertisements
Advertisements

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

Barcelona ayaa warbixin ku aadan iney jabisay xeerka dhaqaale wanaagga UEF ka gudbin doonta kooxda reer Farnce ee Paris Saint Germain hadii ay bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiska Neymar Jr.

Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa 26-jirka Atletico Madrid Antoine Griezmann hadii Neymar Jr uu ka tago Camp Nou. (Marca).

Marka ay dhameyso Arinta Neymar Junior, Paris Saint Germain waxey u dhaqaaqi doontaa iney 35 Malyan oo Pound kula soo wareegto Alexis Sanchez. (Express)

Aabaha Neymar Jr oo weydiistay PSG iney dib u dhigto wadahadalada ay la galeyso Barcelona ee ku aadan iney 450 Malyan oo Pound kula wareegto Neymar ilaa 31-ka July, sababtoo ah maalintaas wuxuu heli doonaa lacag dalaal ah oo dhan 23.3 Malyan oo Pound oo qeyb ka aheyd heshiiskii cusubaa oo uu saxiixay wiilkiisa October. (TImes).

Liverpool ayaa bartilmameed ka dhiganeysa 18-jirka Borrusia Dortmund & xulka qaranka USA Christian Pulisic hadii uu ka tago Philippe Coutinho. (Mirror)

RB Leipzing ayaa 100% hubta in 22-jirka reer Guinea Naby Keita uusan meelna u socon waxaa laga soo xigtay tababaraha kooxda. (Observer)

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez oo 28-jir ah ayaa laga yaabaa inuu kooxdisa u gudbiyo codsi qasab ah si looga iibiyo Manchester City. (Mirror)

Manchester United ayaa sugi doona ilaa isbuuca soo aadan si uu 90 Malyan oo Pound ugu soo iibsado 28-jirka Real Madrid Gareth Bale. (Express)

Tababaraha Inter Milan Luciano Spalletti ayaa si awood leh uga soo horjeestay qorshaha ay Man United ku dooneyso 28-jirka reer Croatia Ivan Perisic. (Observer)

Marouane Fellaini ayaa ogolaaday inuu ku biiro kooxda reer Turkey ee Galatasaray. 29-jirkaan waxaa qandaraaskiisa kaga haray wax ka yar hal sano. (Ajansspor).

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com