Advertisements
Advertisements

Al-shabaab oo sheegtay in 40 Askari oo ka mid ah Ciidanka AMISOM ay ku dileen Golweyn.

Muqdisho (HNN) Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa  asy  guulo ka sheegtay dagaal Xoogan  oo ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka AMISMO iyo Kuwa Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday Buulo Mareer.

Wararka ayaa intaa ku daraya Kolonyada Ciidamada AMISOM ay saddex meel wadada loogu galay, iyadoo dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Golweyn uu qaatay ku dhowaad labo saac.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dileen 39 askari oo ay ku jiraan Saraakiil ciidan.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay gacanta ku hayaan meydadka askar ka tirsan AMISOM oo u dhalatay dalka Uganda, waxaana warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ay sheegeen in la soo bandhigi doono

ma jirto cid shabaab ka madax-banaan oo warkaasi xaqiijin karta.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com