Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Wasaarada amniga oo sheegtay in shan ruux ku dhinteen weerarkii Muqdisho

Muqdisho(HNN) Wasaarada amniga gudaha Xukumadda Somaliya ayaa sheegtay  in shan qof ay ku dhinteen halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada amniga gudaha Axmed Carab ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan ay ku geeriyoodeen shan ruux halka tiro kalan ay ku dhawacmeen.

Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku Qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Police-ka degmadda Waaberi iyo Hotel-ka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanka qaraxa dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Carab, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Qof dumar ah ayaa la aaminsanyahay in ay kamid aheyd dadkii Qaraxa ku dhintay.

Dhinaca kale dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in gawaari yar-yar iyo mootooyin ay ku bur-bureen goobta Qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa geysta Al Shabaab.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com