});

DEG DEG: Dagaal u dhexeya Ciidamada dowlada & Al shabaab oo ka socda sh.hoose

Baladweyne(HNN) Dagaal Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab  ayyaa  hadda ka soconayo Tuulada lagu Magacaabo Majabto oo hoostagta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegay in dhinacyada Dagaalamaya ay isku adeegsaneyaan Hubka Culus,waxaana Qeybo kamida Tuulada Majabto ku soo dhacay Madaafiic ay soo tuureen Al-shabaab sida ay  Xaqiijiyeen Goobjoogeyaal.

Khasaaraha  ka dhashay Dagaalka ka socda Tuulada Majabto ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaan la ogeyn,waxaana halkaas ka barakacay Dadkii Shacabka ahaa ee ku noolaa Tuulada lagu Dagaalamayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalka Saakay ay soo qaadeen Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.


Fikradaha Akhristayaasha (0)