Advertisements
Advertisements

Saacaddaha soo socda oo lagu wado in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada KGS

Baladweyne(HNN) Wararka haatan naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay ayaa sheegay in saacaddaha soo socda lagu wado in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan  uu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa badankood sheegay in ay ka codsadeen Madaxweynaha in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan Wasiiro aanan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo la qaadanayay maalmahan Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo kala tashanayay isku shaandheynta , waxaana la sheegay in uu soo gabagabeeyay Shalay gelinkii dambe Maanta lagu dhawaaqi doono Wasiiradda.

ugu dambeyntii Maamulka Koofur Galbeed oo labo sano ka hor lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid ah maamul goboleedyada aan wali tagi Caasimadahooda.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com