Advertisements
Advertisements

Warbixin: Man United Oo Isbuucaan Gudahiisa Dhameystiri Doonta Saxiixa Kubad Burburiyaha Chelsea Nemanja Matic

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney todobaadkaan dhameystireyso saxiixa xidiga khadka dhexe kaga ciyaara Chelsea & qaranka Serbia Nemanja Matic sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Red Devils ayaa dhawr jeer lala xiriiriyay xidigaan heerka caalami kaas oo qudhiisa doonaya inuu la midoobo tababarahiisii hore Jose Mourinho.

Si kastaba Antonio Conte ayaa sameeyay afar saxiix oo muhiim ah madama uu kooxdiisa kusoo biiriyay Willy Caballero, Antonio Rudiger, Alvaro Morata & Tiemoue Bakayoko kuwaas oo afarta boos ee garoonka ka kala ciyaara.

Si kastaba 28-jirkaan kama mid aheyn ciyaartoydii Blues ee u safartay bariga fog, waxaana Mail ay daabacday maanta in xidigaan uu Old Trafford ku aadi doono 40 Malyan oo Pound.

Dhanka kale Antonio Conte ayaa la fahansan yahay inuu isha ku hayo saxiixa xidiga kale oo khadka dhexe ka ciyaara ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Juventus ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xidigaa, balse diyaar uma ahan iney la kulanto lacagaha lagu doonayo xidigaan iney bixiso.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com