Advertisements
Advertisements

Cristiano Ronaldo oo maanta maxkamad la soo taagayo

Ciyaaryahan kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa lagu wadaa in maanta uu ka soo hormuuqdo maxkamad ku taala caasimadda Spain, halkaa o la filayo inuu ka jawaabo eedeymo ah in uu canshuur uu la gambiyay.

Dacwad oogayaasha Spain ayaa ku eedeeyay Ronaldo in dowladda uu kala goostay canshuur gaareysa 17 milyan oo doolar.

Wakiilka Ronaldo ayaa beeniyay in ciyaaryahankani uu isku dayay inuu canshuurta la baxsado oo lacagihiisa uu dhigto bangiyo dibadda ah.

Xiddigan ayaa waxa uu wajihi karaa in xabsi lagu xukumo haddii lagu helo dambiyada lagu soo eedeeyay.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com