Advertisements
Advertisements

DAAWO SAWIRADA: Shir dib u heshisin oo ka furmay Magaalad Jowhar

Baladweyne(HNN) Magalaada jowhar ee xaruunta Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa maanta ka furmay shir dib u heshisiin oo lagu dhax dhaxaadinayo  beelo dhowaan ku dagaalamay deegaan ka tirsan degmada Cadale shabeellaha dhexe.

Furitaank shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeelle cali Cabdulahi Xuseen.wasiirka amniga gudaha Maxamed abukar islow. Wasiir ku xigeenka dekeddaha Cismaan daalo. Wasiirka ariimaha gudaha Maxamed Cali Caadle.gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle marwo canab axmed ciise, Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise, Maxamed Cumar Ceymoy oo ka mid ah xildhibannada Baarlamaanka Federaalka ,Senatar Samsam, guudoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed meyre makaraan.iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac.

Wasiirka amniga dowlada federalka Maxamed Abukar Islow oo ka hadlay munaasabada furitaanka kulankan ayaa ka codsaday duqeyda iyo waxgaradka ka qeybgalaya in ay ka heshiiyaan colaada si dib u dhis loogu bilaabo deegaanadii ku burburay dagaalada.

“Waxaan ka codsanayaa odayaasha dhaqanka in la isu sabro si loo gaaro nabad waarta,waxaadna iga guddoontaan salaam aan idinkaga wado Madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhamaantood aad u jecel in beelaha ay heshiiyaan oo nabad ku wada noolaadaan.”ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ka hadlay furitaanka gogosha ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay in duqeyda dhaqanka ee beelaha khilaafka uu u dhexeeyay ee aqbalay inay gogoshaan soo fariistaan isagoo sidoo kale u mahadceliyay mas’uuliyiinta heer federal ee ka yimid magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

“Walaalkaa haddaa dishid waa garabkaagi oo go’ay,maalinta aaqirana waxbaa lagaa weydiin dagaalna wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo ka hadlayay madasha shirka dib u heshisiinta ee maanta ka furantay magaalada Jowhar,

Beelaha gogosha dib u heshiinta uga furantay magaalada Jowhar ayaa dhowaan maleeshiyaad ka soo jeeda dagaal ku dhex maray deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe iyadoo dagaalkaa uu ahaa mid soo laablaabtay.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com