Advertisements
Advertisements

Muxuu Jose Mourinho Ka Yidhi In Nemanja Matic Uu Kooxdiisa Man United Ku Soo Biirayo?

Kadib markii ay Manchester United guul ku soo gaadhay dalka Norway ayuu Jose Mourinho saxaafada la hadlay waxaana wax laga waydiiyay xaalada Nemanja Matic oo ay kooxdiisu ku dhaw dahay in ay heshiiskiisa dhamaystirto isla markaana la sheegay in uu maray tijaabada caafimaadka Red Devils, wuxuuna Mourinho qiray in Matic uu si wayn u doonayay ku soo biirista Man United.

Laakiin macalin Mourinho ayaa biyo qabaw dusha kaga shubay wararkii sheegayay in Marouane Fellaini uu ku biirayo kooxda Galatasaray ee ree Turkey wuxuuna sheegay in kooxda Galatasaray ay u sahlan tahay inay isaga hesho halkii ay ku daali lahayd Marouane Fellaini oo uu sheegay in uu aad muhiim ugu yahay kooxdiisa.Matic ayaa loo arkaa xidigii uu Paul Pogba u baahnaa si uu awoodiisa ciyaareed u muujiyo.

Mourinho ayaa sheegay in lamarka 31 aad ee lagu sawiray Nemanja Matic  uu kooxdiisa ka banaan yahay wuxuuna si dadban ugu dhawaaqay heshiiska Matic balse waxa uu sheegay in aanu waxba si rasmi ah ugu dhawaaqi karin ilaa inta heshiiska laga dhamaystirayo.

Mourinho oo ka hadlaya heshiiska Nemanja Matic  ayaa yidhi: “Anigu waxaan sugayaa war, anigu waxaan ogahay in isagu(Matic) uu aad iyo aad udoonayo, marka uu uu ciyaartoygu in badan doonayo fursadu aad ayay u wayn tahay, sidaa daraadeed waxaan filaaya in aanu fursad haysano laakiin kubbada cagta ilaa inta ay wax rasmi noqonayaan, wax badan ayaan soo arkay oo dhacay taas oo aan u diidayo in aan sheego wax ka badan inta aan hadda sheegay”.

Hadalka Mourinho ayaa ah mid si cadaan ah u shaaciyay in Nemanja Matic  uu kooxdiisa ku soo biirayo balse ay ka hadhsan tahay kaliya inta heshiiska si rasmi ah loo dhamaystirayo. Nemanja Matic ayaa haddaba maray tijaabada caafimaadka Man United wuxuuna noqon doonaa saxiixa saddexaad ee xagaagan ku soo biiray Man United.

Mourinho oo ka hadlaya sawirkii Matic iiyo lambarka 31 aad ayaa yidhi: “Anigu waxba kama ogi(sawirka) sababtoo ah halkaas maan joogin. Lambarka 31 aad wuu banaan yahay, waxaa lahaa Schweinsteiger, waa maaliyad xor ah, waxaanu haysanaa dhawr xor ah waxaana ka mid ah 31 aad”.

Mourinho oo muhiimada Marouane Fellaini ka hadlaya isla markaana kooxda Galatasaray u daraynaya ayaa yidhi: “Galatasaray waxaa u sahlan in ay aniga i helaan halkii ay ka heli lahaayeen Marouane, haddii ay tababare iyagu u baahan yihiin, waxay haystaan fursad, laakiin Marouane miyaa? iska ilaawa, isagu aad ayuu aniga muhiim iigu yahay”

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Webmaster Hiilnews.com